18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shil dad badan ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow Berbera: SAWIRO

Shilkan ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Miridha oo teedsan laamiga weyn ee dawladii dhexe dhistey ee aada Hargeysa kana yimaada Berbera. Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Nooca Xamuulka qaada ee loo yaqaano Candho Medlaha iyo Gaari kale oo Bas ah kaas oo rakaab siday.



Shilalka ayaa inta badan yimaada qayro masuulnimada dirawalada gawaarida oo si doqoniimo u xifaaltama ayagoo wada rakaab sidaana ku keena dhimashada dadkii rayidka ahaa ee ay wadeen. Dirawalada qaarkood ayaa aqoon sida loo wado gawaadhida.



Inta ka xaqiijiyey ilaa 6 qof oo isugu jira Saddex Rag ah iyo Saddex Haween ah ayaa shilkaasi ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay shilkaas oo la geeyey Isbitaalka Magalada Hargeysa.

Gaari Baska ah ee rakaabka siday ayaa la sheegay in uu ka yimid dhinaca Hargeysa isla markaana uu ku wajahnaa Magalada Burco hayeeshee Gaariga xamuulka ah uu gadaal uga yimid sidaasina uu shilka ku dhacay.

Shalay ayay ahayd markii shilkale oo qasaare gaystey uu ka dhacay Hargeysa. Tan ugu daran ayaa dirawalka dhimashadaa badan gaystey ayaa wadadaa ka baxaya oo cidi waxba oranayn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS