Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa la kulmey jaaliyada Somaliyeed ee dalkaasi Koofur Afrika. Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay xaflada caleemo saarka madaxweynaha,Koofur Afrika oo doorashada ku guulaystey.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika uga mahadceliyay midnimada ay muujiyeen iyo sida ay magaca wanaagsan ugu soo jiideen ummadda Soomaaliyeed.
Dhankooda xubno matalayay Jaaliyadda ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka codsaday in Madaxda dalkaasi uu kala hadlo dhibaatooyinka mar walba ay u geystaan Madaxda dalkaasi Soomaalida Ganacsi ahaan u jooga.
Madaxweynaha ayaa jaaliyada u sheegay inay madaxda Koofur Afrika ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dilalka iyo dhaca loo gaysto Soomaalida.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS








Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay