Maamulka Butlaan ayaa war ka soo saartey kaluumaysato lagu la’yahay xeebaha Butlaan gaar ahaan gobolka Bari oo muddo afar cisho ka maqan qoysaskooda. Lama garan karo inay dileen ciidamada shisheeye ee xaalufiya badda.
Lamana garan karo in ay doontu la jabtey. Kaluumaysatadan ayaa ka baxay xeebaha Butlan afar cisho kahor si ay u raadsadaan nolo maalmeedkooda laakiin ma soo noqon.
”Dhowr doon ayaan u dirney laakiin laguma guulaysan in la soo helo asyuu yiri masuul u Hadley waaxda Kaluumaysiga e maamulka Butlaan. Waxaan dalbanay in ciidamada shisheeye naga caawiyaan si loo helo ayuu raaciyay Faarax Maxamuud Cawaash.
Maaha markii ugu horeysay ee kaluumaysato lagu waayo deegaanada xeebaha ee Butlaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWES
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay