09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Banaanbax xoogan oo masaakiinta Boorama ku hor dhigeen xafiiska maayer Caseeye

Xoogsato masaakiina oo weli la dhegeysan waayay kadib markey ka qayliyeen cashuur saaida oo lagu kordhiyay ayaa bananbax xoogan ka dhigey magaalada.



Dadkan danyarta ah oo u badan haween koriya caruur farabadan ayaa booliisku eryaday. Cashuurta dusha looga tuurey ayaa ka badan tan magaalooyinka beesha u badan yihiin sida Hargeysa laga qaado.



Maayer Saleebaan Caseeye ayaa booliis ku dalbadey kadibna jeelka u taxaabay tiro haweena. Haweenka maanta dhigey cadaalad-raadsiga ayaa iyagu ka ganacsada hilibka.

”Waxay sheegeen in la afduubo oo ay u dheertahay cunaqabateyn

https://youtu.be/DKuATeLlhRw



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS