Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Somaliya maka soo kaban kartaa hogii ay ku rideen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Su’aashaa jawaabteeda aan u dhigto dhinaca dambe ee qoraalkan kooban. Shaki kuma Jiro inay taariikhda ka galeen baal madow oo hogii dalka ay ku rideen geesi keliya ka saari karo. Sheekh Shariif waa kii laga saxiixay sheekada magaca Somaliya iyo Somaliland waxana u gaysay aqoon xumo.



Sheekh Shariif

Sheekh Shariif marnaba ma raadin lacagtii shirkaas Ingiriiska lagu balan qaaday sanadii 2012, waxana loo aaneeyay in xitaa baratakoolku ka xunyahay sida uu sheegay C/raxmaan Cabdishakuur oo hadda isna xisbi jufadiisa ah furtey, saaxiib dhowna ay ahaayeen Sh Shariif. Haddana ay mideysay in dawlada la mijaxaabiyo ayadoo Kiiniya iyo Imaaraadka la daba fadhiyo (sawirka hoose)



Waxa xigtey in dastuurkii qaranka la laalo oo lagu bedelo dastuur gaalo laga soo minguuriyay oo dhigaya in khaniisku xaq leeyahay. Waxa dastuur bedelaada lagu hirgeliyay odayaal gaajaysan oo shaahooda loo tuurey badankooduna waxna qorin waxna akhrin.

Maamul kasta oo ka dambeeyay waxa lagu qasbey inuu waqtiga ku lumiyo inuu helo dastuur dhamaystiran. Waxa ugu dambeyn Sheekh Shariif Mahiiga ka saxiixay sheekada federaal oo markii hore qoraal iska ahayd.

Xasan Sheekh



Waxaan ka mid ahaa taageereyaashii Xasan Sheekh inuu bedelo Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan, waxayse nagu noqotey filanwaa, waxa markiiba soo baxdey inaanu waxba dhaamin.

Wuxuu markiiba bilaabey samaynta maamul jufeedyada sida uu isagu u fahmey maadaama ayna jirin nidaam qoran laakiin uu Jiro dastuurkii gaalada keentay oo rag uu ka mid yahay Faroole uu ku darsadey ”erayada dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka ”si uu iskaga fogeeyo Hawiye xukuma.



Maalmihii ugu dambeeyay maamulkiisa markii Axmed Madoobe iyo Kiiniya Kismaayo xoog maamul ugu samaysteen wuxuu hore u dhoodhoobey Hirshabeele iyo Koofur Galbeed.

Aakhirkiina wuxuu hirgeliyay sheekada aqalka sare oo Kaaba qabiilayeyaal iyo siyaasiyiin hore u fashilmey ku cunaan lacagta masaakiinta laga guro sida Faroole, Cumar C/rashiid, Cabdi Qaybdiid, Muuse Yalaxow iyo kuwo kale oo taariikhdooda aad argagax ka qaadayso.



Jawaabta su’aasha aan is weydiiyay

Suaashaas jawaabteeda waa maya waayo ilaa hadda ma soo bixin iimana muuqdo madaxweyne u diyaara inuu dabinadaas iyo qaskaa dawladnimo kala furfuro hadduu jirana waqtiga gaaladu siisey ku filna. Waxa inta badana waqtiga looga ridaa hawlo aan dan ugu jirin shacabka.

Taas waxay keenaysaa in lacagahan malaayiinta ah ee fadhiga ay ku cunayaan xildhibaano ku sheega gaaraya 1300 (kun) oo qof min Saylac ilaa Kismaayo si dib loogu celiyo dalka lana kala diro dhamaantood.

 C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...