Bishii hore ayay ahayd markii dhiigmiiratada xalaashatey dhiigeena ee shabaab ay xasuuqeen in ka badan 70 qof halka dhaawacuna gaarayay boqolaal. Waxa intii ugu khatarsanayd loola cararay wadamada saaxiibka dhow la ah Somaliya sida Turkiga iyo Qadar.
Haddaba warka farxadda leh ayaa ah in dhaawaca badankooda ay xaaladooda fiican tahay qaar badana dalka dib loogu soo celiyay.
Waxa la sheegayaa in dhaawacyada qaar ay rabaan inay Turkiga iska sii joogaan inta ay si fiican uga bogsanayaan dhaawacyada culus ee dhiigmiiratada wahaabiga ah masuulka ka ahayd.
Dhaawacyada la geeyay dibedda ayaa waxa ka masuula wasaarada caafimaadka ayadoo warbixinta ugu dambeysa ee bukaanka ka helayaa wasaarada caafimaadka ee Turkiga iyo isbitaalka daawaynaya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay