November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyay dad u dhintey neef ay cuneen

Wararkii ugu dambeeyay oo ka imaanaya degmada Luuq ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen saddex qof oo isugu jira laba caruura iyo hooyo kadib markii ay cuneen neef xanuusan oo geel ahaa. Waxa sidoo kale lala tacaalaysa in ka badan 120 qof oo waxyeelo soo gaartey.



Dadka waxyeelada ay soo gaartey ayaa loola cararay isbitaalka magaalada oo ayna jirin daawo Ku filan. Lama garan Karo waxa Ku kalifay inay neefkan xanuusan cunaan iyo in loo qariyay.



“Agaasimaha waaxda caafimaadka ee Luuq ayaa sheegay in neefka xanuusan inta aan Ka qalin la siiyay daawo ayna dhici Karto in daawadaas ay qabatey dadka.



Dhacdadaan ayaa ugub ah laakiin ayna haba yaraatee jirin wax lagu baaro maadaama ay dhici Karto in daawadu ay ahayd mid dhacsan ee caadi ay tahay in la qasho neefka inta naftu ku jirto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS