Kiiniya ayaa xaafada Somalidu degto ee Islii ee Nayroobi ku sii adkeysay xayiraada isku socodka ayadoo kumanaan ganacsato ah ay la tacaalayaan sidii ay u heli lahaayeen nolol maalmeed.
”Waxaan ku kordhinay 16 saacadood in ay xayiraadu sii saarnaato ayaa lagu yiri qoraal soo maray Uhuru. Ujeedada ayaa ah cunaqabatayn lagu sii giijinayo Somalida halkaas degan ayadoo marmarsiiyo laga dhigayo cudurka Kooro.
Xaafadaha kale ee Nayroobi ayaa dadku caadi u ganacsadaa isku socodkuna aad u fududyahay halka xaafadan Somalida ay booliisku joogaan had iyo jeer.
Booliiska Uhuru ayaa ah kuwa musuqsan Afrika taas oo ka dhigan in aadan talaabo qaadan ilaa aad bixiso lacag mooyee. Uhuru ayaa sii kordhiyay cadaadinta uu ku hayo Somalida asagoo uga aargoosanaya kiiska badda ee uu rabo in si laaluusha lagu dhameeyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay