November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dr C/raxmaan Bayle muxuu ka yiri lacag dalka loogu deeqay

Bangiga Aduunka ayaa Somaliya siiyay  lacag gaareysa 55 milyan oo doolar oo Caawimaada, lacagtan ayaana loogu talagalay kabka Miisaaniyadda dib ugu eegis lagu sameeyay iyadoo lagu guda jiro xili adag.



Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya  ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay.



”Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.



Lacagtan ayaa qaybta ugu badan aadaysa ka hortaga cudurka Kooro oo gobolada dalku qayb weyn ka helayaan. Lacagta gobolada ayaa la filayaa in ay ku dhacayso jeebka horjoogeyaasha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS