November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Sanad Guuradii 20-aad Ee Ka Soo Wareegtay Xasuuqii Muslimiinta Bosniya… Qoraa Ustaad Asad Muuse Kibaar

Shalay oo ay aheyd 11/07/2015 waxaa loo Baroor-diiqayay Sanad Guuradii 20-aad ee Kasoo Wareegay Xasuuqii Walaaladeen Muslimiinta ah Ee Bosniya, Xasuuqaas oo ay u geysteen Ciidamadii Seerbiya, Dagaalkaas oo socday Muddo 4-sanno ah wuxuu bilowday Bishii April 1992 ilaa wuxuu Socday 1996-kii.
 
Bosniya waxay ka tirsaneyd Jamhuuriyadii yuguslavia, waxaa islaanimada Gaadhsiiyay boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee Turkiya, Dadka Xasuuqaa ku dhintay ayaa lagu Qiyaasaa 100,000 (Boqol kun oo qof) Oo Shicib ah, allaha unxariistee, waxa xasuuqa geeystayna waa dowladii Seerbiya ee uu hogaaminay Radvon Kedazic iyo Abaan-dulihii Ciidamada Seerbiya ee[ Dhiigyo cabka] ahaa Ratko Mladic oo ay hoosta ka Taageerayeen Dowladihii waa weynaa ee Xuquuqul insaanka iyo xoriyada Bani Aadamka in ay Ilaalinayaan Sheeganayay, Ujeedada Dhabta ah ee dadkaa loo laayay waxay aheyd Doowlad islaam oo madax banaan-yaanay ka dhalanin Gudaha Qaarada Yurub, Markaa waxaa la isku raacay in magacooga iyo Jiritaankooga laga-masaxo qaarada yurub oo la xasuuqo.
 
Waxyaabihii Argagaxa badnaa ee dhacay ee aan la iloobi karin waxaa kamid ah.
 
Sideed kun[8000] oo dhalinyaro ah oo weliba rag yar yar u badan ayaa guryahooga laga soo qaaday waxaana lagu Xidhay Jeelka magaalada Sarayeefo, dabadeeto inta meel banaan la iskugu keenay ayaa la laayay.
 
Waxyaabaha arintaa kasii daran ee dhacay waxaa kamid ah markii ay sedex boqol[300] oo qof oo Bosni-aan ah ay u carareen, oo ay Magan-galeen Xarunta Qaramada Midoobay ee saarayeefo,si ay uga bad-baadaan xasuuqa, halkaa waxaa joogay Ciidamada Dalka Holand oo kasocday Qaramada-midoobay oo nabad ilaalin loo keenay, dabadeetana waxa ka daba yimid Saraakiishii Seerbiya oo ka codsaday Ciidamada Holand inay usoo dhiibaan sedexdan Boqol ee soo magan gashay Dabadeetana  gacanta ayay kaga rideen oo halkaa ayaa lagu laayay.
 
Arintaasi waa arin xaqiiqo ah oo ku keentay Suncad-xumo dalka Holand, dabadeeto maxkamad Xarunteedu tahay Holand ayaa kiiskaa qaaday waxayna ku xukuntay Dalka Holand inay Masuul ka aheyd wixii halkaa ka dhacay ee xasuuq ah waxayna amartay maxkamadu inay dowlada holand  ay siiso magdhow  ehelada sedexdaa Boqol.
 
Waxyaabihii Naxariis Darada ah ee dhacay waxaa kamid ahaa Dalka Ruushka oo Veto-Power u isticmaalay,isagoo kasoo-horjeeda Talo Jeedin ay dowlada ingiriiska ay usoo Bandhigtay Golaha Joogtada ah ee Qaramada Midoobay in lagu magacaabo waxa halkaa ka dhacay Xasuuq Bani Aadan-nimo, Talaabo adag-na laga qaado.
 
Waxaa xusid mudan Hogaamyihii Bosnia Ali izet begovic oo ahaa nin Aqoonyahan ah oo usoo halgamay xoriyada Bosnia,markii dambana noqday madaxweynahii ugu horeeyay ee Boosniya.
 
Taariikhdiisa hadan ka sheekeeyo Ali Izet wuxu dhashay 8 August 1925-kii wuxuu ka dhashay Qoys Muslim ah oo Muxtarim ah, wuxuu tacliintiisii hoose iyo sare ku dhameeystay saarayeefo 1943.
 
1950 ayuu qaatay shahaadada Mastarka ee uu kudiyaariyay (lowga).
P.H.D wuxuu qaatay 1962  (Economic).
Wuxuu ku hadli jiray luuqadaha Englishka, Jarmalka, Faransiis iyo Arabic.
 
Ali Izet wuxuu ahaa nin Qoraa ah wuxuu Qoray buugaag-badan, waxa ugu caansanaa ee uu qoray wuxuu ahaa [Islam between East and West] 1993-kii,buugaas oo lagu turjumay Luuqada badan, wuxuu buugaasi kaga-hadlay arimo badan oo kamid yihiin waxyaabaha ay ku kala duwanyihiin xadaarada islaamka iyo tan reer yurub.
 
Ali Izet wuxu ahaa aqoon yahan luuqada Carabiga iyo Diinta islaamka Si Wanaagsan u yaqaana, wuxuu ku Guuleystay Abaal-marino Caalami ah oo uu ku helay Shaqada Wanaagsan Ee uu qabtay Diinta iyo Dadkiisa, waxaa kamid ah:
 
1). Ja’izada Boqor Feysal ee caalamiga ah ee khidmada Islaamka oo uu ku guuleystay 1993 ee ay bixiso boqortooyada Saudi-arabia.
2). 2001-dii Ja’izada Mowlaana Jalaalu-diin al ruumi ee caalamiga ee dalka Turkiga ay bixiso.
3). Ja’izada Dubai ee Dowliga ah ee Qur’aanka Kariimka ah oo isla 2001-dii la siiyay.
4). Ja’izada Dunida Muslimka oo la gudoonsiiyay 1996-kii.
5). Ja’izada Difaaca Dimuquraadiyada iyo Xoriyada ayaa waxaa la siiyay isla 1996-kii, waxaana gudoonsiiyay Dalka Mareykanka.
 
Allaha u naxariiste Ali Izet wuxuu Geeriyooday 19-kii October 2003-dii.
Alla Mahad Leh..
Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar