Itoobiya ayaa raaligelin ka bixisay war ay sheegtay in si qaldan looga tarjumey wasiirka biyaha oo sheegay markaasi in la bilaabay buuxinta biyo xidheenka muranku ka jiro.
Suudaan ayaa sheegtay inay yaraatay xadiga biyaha ee imaan jirey. Telefishanka dalkaasi Itoobiya ayaa raaligelin bixiyay sheegayna inay waxba kajirin warkaasi.
Masar ayaa markii dalbatey xaqiijin degdega. Waxa hore loo sheegay in biyaha ku jira biyo xidheenka inay yihiin biyihii roobka oo soo buuxiyay laakiin welli ay furan yihiin albaabada waaweyn ee biyo xidheenka.
Suudaan ayaa iyadu ku faraxsan biyo xidheenka, waxase muranka ugu weyni ka taagan yahay sidii loo heli sharci dhaqangala oo sadexda wadan heshiis ku yihiin, ayna ugu weyntahay haddii abaari dhacdo intee in leeg ayaa soo dhaafaya biyo xidheenka.
Inkastoo biyo xidheenku aanu wada qaban karin biyaha haddana waxa walaac dhinaca Masar. Itoobiya ayaa sheegtay in wadahadalku sii socon doono.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay