11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maraykanku wuxuu ku mashquulsan yahay magac u bixin dadka diidan xasuuqa Yuhuuda: ERDUQAAN

Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag uga hadlay hadalka ka soo yeeray madaxweynaha Maraykanka ee ah inuu yahay mid Yuhuuda neceb ayuu ku tilmaamay mid lagu daboolayo xasuuqa Yuhuudu ka wado Qaasa. Yuhuuda ayaa hubkii ugu dambeeyay ee Maraykanku siiyay ku garaacaysa xerooyinka qaxootiga qaarna ku tijaabinaysa.



”Waan cambaaraynaynaa hadalka ka yimi madaxweynaha Maraykanka ee uu ku sheegayo madaxweynahayaga mid neceb Yuhuuda ayuu yiri afhayeenka madaxweyne Erduqaan. Madaxweyne Erduqaan ayaa sheegay inaanu ka aamusayn xasuuqa ka dhacaya Falastiin haddii aan sidaa noqono waxa dhacaysa in kibirku agteena yimaado.



Madaxweynaha Maraykanka ayaa hore u sheegay inuu rabo in la inqilaabo madaxweynaha Turkiga, waxana ay aad uga xun yihiin awooda Turkiga ee sii korodhey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS