X

Sheekh Shaakir muxuu ka yiri dilka cadowgii muslimiinta ee Albaqdaadi

Dhawaan ayay ahayd markii xagjir Taram sheegtay inuu dilay cadowgii muslimiinta ee Albaqdaadi oo hogaamin jirey urur diimeedkii Daacish ee laga adkaaday. Ururkaas oo Sucuudiga laga maalgelin jirey ayaa xasuuqdey kumanaan reer Ciraaq burburiyayna nolosha kumanaan reer Suuriya iyo Ciraaqa.


Dadkii Ka soo barakacay xasuuqii iyo burburka noloshooda Ku yimi ayaa welli daadsan wadamada jaarka ah oo iyaga laftoodu qayb ka ahaa burburinta Suuriya sida Turkiga.

Hadaba hogaamiyaha ururka Ahlu Sunna ee bartamaha Somaliya Sheekh Shaakir oo lagu yaqaano ururkooda sida daacada ah ee ay ula dagaalameen argagixisada Wahaabiyada ee Ku soo duushey diinta iyo dhaqanka ummada Somaliyeed ayaa sheegay in Albaqdaadi ahaa mujrim ummada laga qabtey.


“Dilka Albaqdaadi waa faaiido soo korortey marnaba qasaare maaha waayo wuxuu cadow Ku ahaa ummada Muslimka ayuu yiri Sheekh Shaakir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.