X

Maxaabiis daad ugu yimi Beledweyne iyo meyd la helay

Waxa socda gurmadka loo fidibayo dadka waxyeeladu Ka soo gaartey fatahaada webiga Shabeelle. Saaka ayaa la helay meyd ma tirsan dadkii doontu la rogmatey ayadoo welli lagu jiro raadinaya inta Ka hartey dadkii doontaa saarmaa oo ilaa hadda ay maqan yihiin 5 qof.


Dhinaca kale waxa magaalada Beledweyne lagu hadal hayaa maxaabiis daad ugu tagey goobtii ay ku xirnaayeen. Haweenay walaalkeed xirnaa ayaa sheegtay in laga diidey in maxaabiista laga kaxeeyo daadka u soo galay oo markiiĀ  dambena qaaday laakiin haddana laga soo badbaadiyay.


Madaxda dawlada ayaan hagran waxay hayaan inkastoo welli ayna booqan magaalada oo hawsha gargaarna Ka waxaan Muqdisho. Waxa jira gargaar kale oo soo socda.


Fatahaada webiga ayaa ah culeys kale xilli awooda dawladu aad u yaryahay ayna jirin qorsheyaal biyaha looga weecin Karo magaalada oo u baahan maaliyad balaadhan. Dadka badankooda ayaa jooga dibedda magaalada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.