X

Meydad horleh oo laga soo saaray fatahaada webiga Shabeele

Waxa fatahaada webiga Shabeele laga soo saaray 5 qof oo ka mida dadkii doontu la rogmatey. Gudiga badbaadada ayaa sheegay in afar ka mida dadkaas ay iyaga soo saareen halka qofka kalana ay heleen dadweyne is xilsaaray.

Tirada ilaa hadda la raadinaayay ayaa la sheegay inay ahayd 11 qof waxase welli maqan Ku dhawaad 6 qof.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa fiicneyn xilligan lagu jiro ayadoo fatahaada webiga welli socoto oo ay da’een roobab lagu nastey.

Waxa socda dadaalo lagu badbaadinaayo dadka oo ay hadda ugu daran tahay cuntooyin iyo Hoy ay galaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.