X

Aabaha raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed Cali oo geeriyooday

Waxa maanta caasimada Itoobiya ku geeriyooday Xaaji Axmed Cali Xasan oo ah aabaha dhalay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed. Aabahan oo ahaa daaci ahlu diina ayaa lagu daawaynaayay isbitaal ku yaal caasimada xilliga uu geeriyooday.


Waxa da’diisa lagu qiyaasay 105 jir sida ay sheegeen eheladiisa. Waxa berito oo Salaasa ah 18-06-2019 lagu aasi doonaa magaaladiisa Agaaro ee ku taala gobolka taariikhiga ah ee la oran jirey Kaffa haddana loo bixiyay Jimma ee gobolka Oromiya ee bartamaha Itoobiya.


Xilliga la sheegay geerida Xaaji Axmed Cali ayaa wiilkiisa iyo xaaskiisu Cabi dhiig ku bixinaayeen caasimada Addis ababa. Waxa la sugaa in Cabi Axmed aaso aabihii iyo inuu u daayo ehelada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.