X

Muqdisho oo indhaha dib loogu furey

Saacado kadib markii Muqdisho ay ka xidhneyd aduunka intiisa kale ayaa dib loogu furey caalamka. Arintan ayaa jahwareer ku ridey waxayna wax u dhintey xiriirka Muqdisho dadkeda iyo caalamka.

Fiidkii Xalay gabi ahaanba waxaa magaalada Muqdisho ka jarmay Internetka, waxaana la waayey wax ay dadku isticmaalaan, iyadoona taasi ay keentay in dadkii gudaha iyo kuwa dibadda ay kala go’aan.

Maanta oo dhan waxaa aad loo hadal hayey arrinta ku aadan Internetka maqan, walow uu yimid Internetkii 20 saacadood kadib oo uu hawada si toos ah uga maqnaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.