Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Abaanduulaha Ciidamada Gaashaandhigga Talyaaniga oo booqasho ku yimid Muqdisho

Abaanduulaha Ciidamada Gaashaandhiga Talyaaniga Maj. Gen. Claudio Graziono ayaa maanta booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal, dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka, iyadoo Talyaaniga uu hogaaminayo howl galka Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaasoo sanadkii la soo dhaafay loo soo raray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Talyaaniya Soomaaliya ka filaneyso kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada dawladda Talyaanigu ay siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda Ciidamadda Xoogga dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Muqdisho Abbandulaha Guud ee Ciidamadda Gaashaandhigga Talyaaniga Sareeye Guud Claudio Graziano oo booqasho hal cisho ah noogu yimid. Waxaa dalka Talyaaniga nagala dhexeeya iskaashi iyo xiriir qoto dheer.

Waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan oo ay mar walba noogu garab taagan yihiin dadaalka aan ugu jirno xasilinta iyo nabadeeynta Soomaliya. Waxaan sidoo kale uga mahad celinaynaa sida wanaagsan oo ay uga qeyb qaateen dhismaha ciidanka Xoogga dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in mar walba uu hadafkeenu ahaado inaan sii xoojinno xiriirka labada dal maadaama aan nahay labo dal oo saaxiib ah oo aan kala maarmin” ayuu yiri Wasiir Diini.

Abaanduulaha Ciidamada Gaashaandhiga Talyaaniga Maj. Gen. Claudio Graziono ayaa maanta booqasho hal cisho ah ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha, Kuxigeenkiisa, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal, dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka, iyadoo Talyaaniga uu hogaaminayo howl galka Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaasoo sanadkii la soo dhaafay loo soo raray Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Talyaaniya Soomaaliya ka filaneyso kaalin balaaran oo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay Wafdiga ayaa xusay in booqashadani ay sii xoojin doonto taageerada dawladda Talyaanigu ay siiso Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed. Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xiriirka laba geesoodka , kobcinta iskaashiga labada dal u dhaxeeya , taageeridda Ciidamadda Xoogga dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo qodobo kale.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...