X

Banaanbaxyo iyo rasaas laga maqlay xaafad ka tirsan Jigjiga

Banaanbaxyo iyo rasaas laga maqlay xaafad ka tirsan Jigjiga. Wararka Jigijga naga soo gaaraya ayaa sheegaya in rasaas laga maqley xaafad ka tirsan oo ay degan ytihiin qoomiyadaha kale ee Itoobiya.


Ciidanka dawlada dhexe oo ku baxay dadkaan ka cabanaya bililiqada loo gaystey ganacsigooda ayaa rasaas korka u riday sida aan wararka ku helayno.

Ganacsiga iyo siyaasada Jigijga

Ganacsiga magaalada ayaan welli si habsami ah u furmin inkastoo ay magaalada joogaan askar badan oo laga keenay dhinaca dawlada hexe iyo gobolada ismaamulkaba.

Isbedelka dhinaca maamulka ayaan welli si fiican u hergelin maadaama welli magaalada ay joogaan askarta dawlada dhexe. Waxa welli aan la soo celin adeega internet iyo adeegyo kale.


Wada xaajoodyo dhinacyo badana ayaa weli ka socda magaalada ayadoo la rabo in deganaansho joogta lagu soo celiyo magaalada.

Ciidanka dawlada dhexe ayaa dalbadey in la soo qabto dadkii bililiqada iyo weerarka u gaystey dadka ka soo jeeda qoomiyadaha kale.

Welli si saxa looma oga khasaaraha dhabta ee ay keentay soo gelitaankii ciidanka dawlada dhexe iyo isdilkii ka dambeeyay.


Diridhaba

Magaalada Diridhaba ayaa maanta degan kadib shalay markii koox Oromo ah ay weerareen guryo Somali ah qaarna gubeen. Odayaasha labada dhinac ee Oromada iyo Somalida ayaa bilaabay joojinta colaada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.