X

Afar gobol oo ka tirsan Yukrayn oo Ruushka ku biiraya

Afar gobol oo ka tirsan Yukrayn ayaa ku dhawaaqay inay afti u qaadayaan inay ka go’aan Yukrayn kuna biiraan Ruushka. Afartan gobol ayaa gebi ahaanba waxa dega dad Ruusha, waxayna dagaal la galeen Yukrayn kadib inqilaabkii Maraykanku ka dambeeyay ee lagu riday madaxweynihii dalkaasi 2014.



Dagaal xoogan oo ka dhacay afartaa gobol ayaa dadka Ruushka ee degan halkaas ay qaybo laxaadle ku qabsadeen gobolada ay degan yihiin, inta soo hadhayna waxay xoreeyeen horaantii sanadkan gaalada.

Waxa Ruushka hore ugu biiray gobolka Karaymiya oo awal ka tirsanaa jiray midowgii Soofeeti laakiin siyaasad ahaan loo raaciyay Yukayn xilligii madaxweyne Birishanef.



Maraykanka oo hubkii badnaa geeyay Yukrayn ayaa haddana waxba kaga qaadi waayay, haddana waxa cad inay afti kadib ku biiri doonaan Ruushka aakhirka bishaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.