X

Afduubka Kiiniya ku hayso gabdhaha Somaliyeed waxay i xasuusisaa 1991

Waxa sii kordhaya weerarada afduubka qorsheysan ee loo gaysanayo gabdhaha Somaliyeed ee ku nool dhulkooda. Waxay tani i xasuusisaa sidii ay dhaqmi jireen gabndhaha xilliyadii aadka loo soo qixi jirey ee 1991 ilaa 1993 ayay tiri Luul Axmed oo Nayroobi joogta.


”Waxay ahayd joogto gabdhaha Somalida ee lala bixi jirey oo la oran jirey aaway xagee la geeyay, waala waayay waala kufsaday iyo cabsi xoogan oo haysan jirtey guud ahaan dadkii la soo qixiyay ayay tiri Luul Axmed.

Inkastoo afduubka qaar uu yahay mid ay gaystaan tuugo haddana waxa muuqda in gabdhaha Somliyed loo tashaday ayadoo laga dareemayo in Kiiniya ku fushan karto arimo kale.


”Dhacdooyinkii dhacaayay waxay muujinayaan mid si gaara loogu beegsanayo gabdhaha Somalida, waayo dumarka kale lama qabaan inkastoo ay dhif-dhif tahay, miyaan oran karnaa haweenka waxa lagu tuhmay keliya waa lacag ayuu yiri Cali Calasow.

Si kastaba ha ahaatee waxa isha lagu hayaa halka dhacdooyinkan ku biyo shubtaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.