X

Golaha wasiirada Itoobiya oo bedelay machad kale oo Tigreegii Sinaawi isku magacaabay

Golaha wasiirada ee Itoobiya ayaa maanta magaca ka bedelay machad uu isku qorey dhiigyacabkii Tigreega ee Milas Sinaawi oo ay gacantiisa ku maqan tahay kumanaan Soomaali ah.


Machadkan oo ku yaala Addis ababa ayaa Sinaawi u bixiyay machadka hogaanka ee Milas Sinaawi waxase hadda lagu bedelay machadka Afrikada ee hogaanka. Dawlada hadda jirta ayaa rabta inay dadka ilowsiiso hagardaamadii Tigreega.

Waxa meelo badan oo uu isku magacaabay lagu bedelay magacaan u qalma si dadku u ilaawaan wahabkii ku habsaday mudadii uu xukunka hayay.


Doorashadii shalay

Dhinaca kale doorashadii shalay ayaa si qurxoon u dhacday waxana gobolada Sidaamo iyo kuwa kale codeynta laga bilaabay isla maanta oo Salaasa ah. Xisbiga barwaaqada ee raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa codka ugu ridey haweenay Somali ah oo ay u soo sharaxeen caasimada.


Waxa la filayaa in kuraasta badankooda ay ku guulaystaan xisbiga bnarwaaqo ee raiisal wasaare Cabi Axmed. Wadamada reer galbeedka ee iyagu raba in xukunka laga tuuro Cabi Axmed ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.