Waxaa jiray in shir laga soo abaabulay xaga dawlada somaliland lagu qabsaday Qulujeed ayna gadhwadeen ka ahaayeen Wasiir kuxigeenka Qorshaynta Xasan Daahir Dhimbiil oo baryahanba ku mashquulsanaa siduu war ku lidi ah Arimaha suldaanka Guud ee beelaha J\Yoonis ka abaabulo Qulujeed ayaa waxaa uu iskugu keenay odayo aan matalin masayrka umada Reer Dudub oo dano gaara ama maalin qayil hunguri ahi ka hadliyeen ku canbaareeyeen Suldaan Wabar.
Horta xaqbay u leeyihiin inay la hadlaan Suldaanka kana hadlaan arimaha mandaqada ka taagan Waayo waa dadkii suldaanka laakiin xaq uma laha inay ka hadlaan arimaha khuseeya saldanada waayo saldanadu uma taalo Reer ama Beel kaliya beelina ma odhan karto waan ka baxayaa beeshaydii waayo beesha J\Yoonis waa beel balaadhan go,aan midaysana hore looga wada gaadhay Suldaanka Guud
Takale beeshu waxay leedahay suldaan guud waana Suldaan Cilmi Rooble Fure isaga Qof aan ahayn kuma hadli karo wararka ay sheegayaan ee ay leeyihiin waxaan kala noqonay kalsoonidii beesha taasina waa ku ceeb Reer dudub iyo beelaha J\Yoonis ba
Hadaba anaga oo ah dhamaan beelaha Reer dudub Gude iyo dibadba waxaan leenahay nimankaasi nama matalaan warkaasina waxa uu ku kooban yahay nimanka afkooda ku hadlay ayuun bayna xukumaan
Cismaan Axmed
Afhayeenka Qurba Jooga Reer Dudub