X

Afhayeenka golaha shacabka Maraykanka oo baqdin awgeed dhuumasho ku galaysa Taywaan

Kadib hanjabaad milatari oo kulul oo uga timi Shiinaha ayaa afhayeenka golaha shacabka ee Maraykanka Naanci ay ka baqatay inay sheego inay tagayso Taywaan. Afhayeenka oo magacowday dalalka ay booqan doonto ayaan si cad ugu darin gobolka Taywaan.


Tani waxa loo fasirtey cabsi la soo deristay ayna rabto inay ku gasho gobolka Taywaan ee Shiinaha ka tirsan si qarsoodiya. Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu ilaashan doono xadkiisa, wixii ka yimaadna uu Maraykanku qaadi doono.


Shiinaha ayaa baryo hore ogolaaday imaatinka madax ka mida Maraykanka gobolka Taywaan, haddase waxa muuqata inuu seefta galka kala baxay. Maraykanka ayaa u muuqda inuu arkay inaanu waxba qaadi karin.


Maraykanka ayaa Taywaan keenay Woqooyiga dalkeena halkaas oo ay rabaan inay Shiinaha iyo Ruushka kala dagaalamaan. Shiinaha ayaa sheegay in haweenayda afhayeenka ah ay raadinayso qiil buga oo ay ku gasho Taywaan laakiin Shiinuhu sheegay inay xaqiijin doonaan inayna ku degin Taywaan.



ARAABINEWS


Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay ka digayaan socdaalka ay ku tagayso gobolka Taywaan laakiin ay hubin doonaan amnigeeda intii tamartooda ah. Afhayeenka milatariga ee hadlay ayaa magaciisa qariyay baqdin awgeed

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.