X

Foolxumo iyo fadeexad Xasan Culusow oo mar labaad kala hadlay

Xasan Culusow ayaa sadex maalin kahor noo sheegay inuu Masar ku raacsanayn arinta biyo xidheenka oo keliya madaxweynaha Masar ka sheegay warbaahinta. Hadda wuxuu na leeyahay maya waxaan la jirnaa mowqifka Masar ee anigu ma oran lama jiro.


”Wuxuu sixi kari la’yahay fikirka maamulkiisa qabo ee ma jirtaa wax kale oo ummad ka sugayso waa MAYA ayuu yiri Cali Calasow. Kharashka ku baxay safaradii waqti lumiska ahaa ee Xasan Culusow ku tagey dhowr dal oo ayna haba yaraatee wax dan ahi ugu jirin dalka ayaa lagu qiyaasay laba milyan oo doolra.



”Labadaa milyan ee doolar waxay quudin lahayd ku dhawaad nus Milyan Somali ah oo abaari hayso, waxase kaaga daran wuxuu halkan la soo fadhiyaa dadkii ayaa abaar u dhimanayo, bal jahligaa fiiriya ayuu raaciyay Cali Calasow.

Kadib markii Masar la soo hadashay ayuu bedelay haddana mowqifkiisa waa foolxumo iyo fadeexad inteeda leeg ayuu qabaa Xirsi Warfaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.