Aftidii Ingiriiska oo lagu kala baxay iyo Ingiriiska oo codka ugu badan siiyay in ay ka baxaan reer Yurub. Iyadoo wali la wado natiijadii aftida intii ugu dambeysay ayaa xilliga aan warkan daabacayno waxa aad u horeeya dhinaca u codeeyay in ay ka baxaan reer Yurub oo wata 14 milyan oo cod halka la rabo ilaa 16 milyan oo cod.
Hadaba natiijadan maxay ka dhigan tahay
Natiijadan ayaa ka dhigan in Ingiriiska oo xigsanaya qodob ka mida qodobada reer Yurub uu Yurub u sheegayo in uu ka baxayo muddo laba sanno kadib hadda wixii ka dambeeyana la bilaabo wada shaqayn cusub.
Waxa laysla dhexmarayaa in bilo gudahood lagu joojin doono reer Yurubta ku imanaya bilaa fiisaha inkastoo la sheegayo in qorshe loo samayn doono kuwa degan ee u soo guurey Ingiriiska ama ka shaqaysta oo Somalidu ku jirto.
Aftidan ayaa timi iyadoo Ingiriisku u baahdey in uu ku sii jiro Yurub maadaama ay xoog dalka u soo galeen wadamo badan oo gaajo ah sida Poland, iyo ilaa 10 kale oo Ingirriska caadiga ah ee bilaa shaqada ah la wadaagey shaqadii iyo guryihii iyo iskuuladii oo la waayay boosas.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu noqonayaa qorshe bilow ah oo lagu kala xamaan qaadanayo laakiin loo bedelayo mid Ingiriisku xor u yahay xuduudiisa iyo sharciyadiisa.
Ololihii aftida ayaa raiisal wasaaraha Ingiriiska David Cameron u isticmaalay in uu ka cabsiiyo dadka taas oo keentay in dadka Ingiriisku ka caroodaan una codeeyaan in ka baxaan Yurub.
Waxa hadda miiska saaran booska raiisal wasaaraha Ingiriiska oo siyaasyiniita qaar leeyihiin waa in uu is casilaa. Waxase laga baqayaa in Yurub lafteedu burburto inkastoo markii horeba Ingiriisku ka ahaa gooni.
Ingiriiska ayaa waxa ku noolaa dad aad u farabadan oo Yurub ka yimi waxayna cabasho ka timi madaxda wadamadaas sida Holland iyo Sweden oo sheegay in dad badan ka joogaan Ingiriiska ayna jecelyihiin in Ingiriisku sii joogo haddii kale iyaguna ka baxayaan.
Waxayna keeni kartaa in Yurub cusub bilaabanto iyo is xulafaysi cusub.
Natiijada ugu dambeysa ee dhibcaha ayaa la sheegi doonaa sideeda xilliga Somaliya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay