X

Agagixiso lagu soo bandhigey Butlaan

Askariga la soo bandhigey ayaa la sheegay inuu hore u tirsanaa maleeshiyada Butlaan. Jamaal Cali Cusmaan oo sida uu sheegay ahaa askari tababar ku qaatay xerada Abqaale oo ku taala gobolka Mudug, ayaa sheegay ka hor inta uusan ka soo goosan dhiigmiiratada shabaab in uu soo dilay sarkaal argagixisada u qaabilsanaa qaraxyada iyo askari kale oo ilaaladiisa ahaa.


Wuxuu tilmaamay inuu argagixisada ugu biiray si uu naftiisa u badbaadiyo, wuxuuna xusay inuu ku sugnaa gobolka Jubbada hoose halkaasna u aaday arimo shaqo ka hor inta aan la afduubin sida uu sheegay.


Jamaal Cali Cusmaan wuxuu sheegay in tababaro la siiyay kadibna loo soo wareejiyay dhinaca buuraha Galgala, halkaas oo uu uga qeyb qaatay weeraro ka dhan ah ciidamada Butlaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.