X

Booliiska magaalada Muqdisho oo sheegay inay qabteen koox wax tahriibisa

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen koox ku shaqaysata tahrriibinta dhalinta. Kooxdan ayaa isugu jirtey wiilal iyo gabdho ku kala noolaa Muqdisho. Booliiska ma sheegin inta qof ee ilaa hadda ay tahriibiyeen.


Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay  in dadka ay ciidamada soo qabteen tiradoodu tahay 27 qof oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo 27 ruux 22 ka mid ah yihiin dumar waxaana dhamaantood lagu sheegay iney sifo sharci daro ah magaalada Muqdisho uga dhoofin jireen dhalinyaro farabadan.


Waxuu intaasi ku daray in kooxdan wax tahriibisa ay ciidanka Booliska gacanta ku soo dhigeen 8-dii bishan lagu jiro, islamarkaana baaritaano lagu wado la horkeeni doono sharciga.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.