X

Ahlu Sunna ma waxay rabtaa inay dib u qabsato Galmudug

Waxa baryahan ku sugan gobolka Galmudug madaxdii Ahlu Sunna ee hilfaha u qaaday argagixisada shabaab. Waxaanad moodaa hadda inay haystaan taageero farabadan laakiin dhinaca qaldan wax ka wada haddaba ma oran karnaa Ahlu sunna waa soo noqotey?


”Waa inaan ogaanaa Ahlu Sunna dagaal ugama bixin Galmudug ee waxay uga baxeen nabad ay la qaateen dawlada inay dagaalka sii wado waxaadse moodaa inayna taasi dhicin oo la hawlgeliyay maleeshiyo beeleed ayuu yiri Cali Calasow.

Dagaalkii u dambeeyay ee u dhexeeyay argagixisada iyo ciidanka dawlada waxa la hubeeyay maleeshiyo, ayadoo laga tagay dadkii dagaalka ehelka u ahaa.


”Ujeedada Ahlu sunna waxa laga dhadhasan karaa hadaladii ay ka jeediyeen Xuunshe ee ay ku sheegeen in isla dhiigmiiratadii ay la dagaalameen hadda looga dhigey madax ayuu yiri Cali Calasow. Waxaan ku farxi karnaa inay qabiil ka fogyihiin waxase nasiib darro ah in hadda ay dabada ka riixayan qabiilaysteyaal ay wadato kooxda Xalane.

Ahlu sunna ma ogola federaal wayse burburayaan haddii si qaldan loo adeegado qaasatan ay hoosta ka galaan qabiilaysteyaal la yaqaan oo kooxda Xalane ku xidhan. Ma awoodaan inay maamulka GAlmudug ka saaraan meesha waayo waxa ku heeran ciidan si xoogleh u tababaran oo halmar leefi kara.

Waana arinta meelo badan loogu ogolaaday inay sdi nabadda ku tagaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.