X

Somali galbeed oo berito u dareeraysa doorasho dadkii ololaha qaarkood la xidhey

Waxa berito doorasho la saadaalin karo cida ku shubanaysa ay ka dhacaysaa dawlada Somali galbeed xilli musharixiinta xorta qaarkood jeelka loo taxaabay dadkii ololaha doorashada kula jirey sida wararka aan ku helayno.


”Musharixiinta xorta ah lama filayo inay soo baxaan waayo waxa meelkasta ka buuxa waraaqaha la sii buuxiyay ee xisbiga Barwaaqo ee raiisal wasaare Cabi Axmed ayuu yiri Xirsi Warfaa. Waxa wararka aan ku helaynaa in jeelka ARAABI loo taxaabay dhalinyar firfircoonaa oo ololaha u waday musharaxa madaxa banaan ee C/raxmaan C/llaahi.


”Waa run warka aan hayno caawa ayaa ah in jeelka DAMBAL loo taxaabay Farxaan Carab Axmed iyo C/xakiin Muuse Cige uuna xidhey gudoomiyaha degmada Jihaad ayuu raaciuyay Xirsi Warfaa. Lama garanayo sabab kale oo jeelka loogu taxaabay aan ka ahayn ololaha doorashada.


Si kastaba ha haatee Itoobiya waa Itoobiya marnaba kama dhicin doorasho xora tana kama duwana kuwas hore waxase soo baxay in degmadii qofkii ay rabto ay isku xidhayso.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.