X

Doorashadii gobolada Woqooyi oo noqotey yaa garanaya cida kuu codaynaysa

Waxa la soo xidhey qaybtii hore doorashada gobolada Woqooyi waxana ka dhacday sheekadii ugu yaabka badnayd. Kursigii ugu adkaa ayaa wuxuu dhexmaray Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof Allabari. Waxase guushu raacday Cabdi Ismaciil Samatar.

Waxase laga naxay in dadka qaar oo codka dhiibanaayay ay xataa indhihii qariyeen iskaba dhaaf afka oo hadda noqday caadi intii hargabka Karoona uu soo baxay.

Berito oo ay dhici doonto qaybta labaad ayaa waxa la filayaa inay soo baxaan musharixiinta inta badan taageersan dawlada hadda jirta. Halka maanta sadex musharax ay u soo baxeen dawlada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.