X

Allaha u naxariistee Saafi Cabdi Xaashi (Saafi dheer) oo geeriyootay

Alle ha u Naxariistee waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Martiini ku geeriyootay Fanaanada Saafi Cabdi Xaashi oo ka tirsaneyd Hoboladii Qaranka ee Waaberi. Saafi ayaa maalmihii ugu dambeeyay xanuun u jiiftey isbitaalka Martiini oo shaqsiyaad caan ahaa ku geeriyoodeen maalmihii u dambeeyay.


Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyay in fanaanada ay u geeriyootay Cudurka Safmareenka ah ee Karoona oo maalahaan ay la xanuunsaneysay ugu dambeena ay maanta u geeriyootay.

Wasiirka warfaafinta dawlada Somaliya ayaa tacsi u direy shacabka Somaliyeed gaar qoyska ay ka dhalatey Saafi Cabdi Xaashi oo lagu yaqaanay heesaha Wadaniga iyo kuwa kalaba,


Hargabka Karoona ayaa moodaa inu Muqdiso ku soo kordhayo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.