21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Amar cusub oo la dul dhigey Kismaayo oo Kiiniya Ka taliso

Dawlada dhexe ee Somaliya qaasatan wasaarada duulista iyo hawada ayaa Amar cusub dul dhigtey magaalada Kismaayo oo ay Ka taliso Kiiniya. Askarta Kiiniya ee jooga Kismaayo ayaa bilaabay inay qofkey doonaana sii daayaan qofkey rabaana u diida.


Wasaarada duulista ayaa sheegtay in aan jiri doonin wax duulimaada oo u socda Kismaayo ama Ka duulaya maalmaha ku aadan 22 ilaa 26-ka bishan.

Amarkan ayaa imaanaya marka laga yimaado culeyska la rabo in la saaro Kiiniya, uu rabo mid Ka mida kuwa isku doortey Kismaayo inay is caleemo saaraan, waxana la sugayaa talaabada ay qaadi Kiiniya iyo inay diyaarad ku yimaadaan.


Waxa Kiiniya rabtaa inay rabitaankeeda Ka fushato Somaliya ayadoo ku hamiyaysa in la go’do qaybo ka mida Koofurta dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS