Madaxweynihii hore ee kumeelgaadhka ahaa ee Somaliyal Sheekh Shariif laguna xasuusto fashilka kana masuulka ahaa dastuur dhoodhoobka Laguna socodsiiyay sheekada aqalka sare iyo federaalka ayaa Muqdisho Ka bilaabey habar wacasho.
Waa nasiib daro in Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ahaa kuwii ugu liitey ee Somali soo mara maanta Muqdisho Ka bilaabaan habar wacasho ayuu yiri Cali Calasow.
Ma garan Karo halka ay u socdaan iyo cida ay rabaan inay daba rucleeyaan oo xilligan diyaara. Waa ogyahay wadada loo maro kursiga in aanu fududeyn haddii xabad ridana ay u dhamaan doonto hamigiisa ayuu raaciyay Cali Calasow oo Muqdisho ku nool.
Sheekh Shariif ayaa la kulmey suldaankiisa iyo kuwa kale oo ay isku jufo yihiin ayadoo ujeedadu tahay inuu isku muujiyo inuu taageero Ka haysto jufadiisa wuxuuse muujiyay heerka caqligiisu taagan yahay.
Fadhiid Xasan Sheekh ayuu ahaa kii yiri cashuurtay joojin doonin reer Muqdisho, waxaan is weydiiyay ani maku jiraa kuwa uu leeyahay cashuurta joojiya ayuu si Caro leh u yiri Cali Calasow
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS