X

Amiirka Sacuudiga oo tusaale ka bixiyay sida ay diinta saxda u qaadan doonaan

Marka aad soo xasuusato Sacuudiga waxa markiiba kugu soo dhacaaya meel dadku ku dulman yihiin siiba haweenka iyo shaqaalaha ajaanibta. Waxa jiri jirey koox xagjir ahayd oo dariiqyada taagan oo isha ku haya keliya haweenka.

Inkastoo sanadihii u dambeeyay ay haweenku kolba helayeen xoriyada ka maqan ee ay ula siman yihiin ragga Sacuudiga sida inay dalbadaan taysaro ay gawaadhida ku wadaan, haddana waxa jira dhaqano xataa ay Sacuudiyiintu leeyihiin waa xad-dhaaf.


Waxa taas dheer waxay dhaqanada noocaasa ku faafin jireen wadamada Islaamka gaar ahaan kuwa faqiirka ah iyo kuwa burburey sida Somaliya oo kale gaar ahaan dhinaca dharka iyo af-daboolida.

Haddaba amiirka Sacuudiga Maxamed Salmaan oo isagu hadda u taliya dalka, wuxuu leeyahay waxaa naga go’an inaan diinta saxda ah qaadano, wuxuuna bixiyay tusaalooyinkan soo socda


”Waxaa sharci noo ah dastuur Quraankeena ku dhisan waxase mushkiladu ka taagan tahay sida loo fasirayo axaadiista, waxaan raacaynaa axaadiista weliba kuwa rasuulkeena SCW uu fuliyay ayuu yiri amiir Maxamed Salmaan.

Tusaale waxa Alle inoo sheegay qofka gogol dhaafa ee aan guursan in jeedal lala dhaco laakiin kuwa guur soo maray la dilo, haddaba ayadoo sidaas ay cadahay oo rasuulkeena SCW aanu dhaafi karin aayad Quraana sidee u fuliyay sharcigan xilligii uu noolaa ayuu raaciyay Maxamed Salmaan.


”Markii haweenayda gogol dhaaftey u timi rasuulkeena SCW ee ay qiratey dambiga gogol dhaafka waxaan ogeyn in rasuulkeena SCW ka warwareegay dhowr jeer, isagoo karay inuu yiri fuliya.

”Wuxuu ku yiri rasuulkeenu SCW haweenayda uur miyaa leedahay? waxay tiri haa wuxuu ku yiri soo dhal haddana way timi markii ay soo dhashay wuxuuna ku yiri soo naas-nuuji ilmaha. Intaas waxay kartey inayna soo noqon rasuulkeenuna SCW ma raadsadeen ayuu yiri amiir Maxamed Salmaan.

Haddaba tani waa diinta saxda ee aan raaci doono waayo xukunada qaar waxa Alle inoo sheegay inay jirto maalin lays xisaabinayo, Allana cafiska ummadiisa ayaa ka badan ciqaabtiisa aan ka ahayn kuwa u shariik yeela.


Waxase hadda loo gacan galay kuwa u nisbeyna diinteena falal guracan oo ay ummada kula kacaan, isagoo u jeeda xagjirnimada diinta ee ka jiri jirtey Sacuudiga ayna ka daba qaateen argagixisada.

Wahaabiyada ay faafiyaan

Mar la weydiiyay inuu raaco madhabka Wahaabiyada ayuu ku jawaabiyay haddii lagu yiraa Maxamed Wahaabi farqi ayaad ummada u abuurtey oo taada mooyee mid-kale sax maaha, waxaan hubaa inuu oran lahaa teyda ka taga waayo dadku RABI ayay caabudaan ee shaqsi ma caabudaan.

Waraysiga oo kooban halkan ka daawo


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.