X

Uhuru oo gabdhaha Somalida ku bilaabay afduub qorsheysan

Waxa isa soo taraya afduubka iyo dilka lagula kacaayo gabdhaha Somalida ah gaar ahaan kuwooda haysta ganacsiga, waxase hadda lagu daray gabdhaha ardeyda ah. ”Waxay u egtahay qorshe laga soo abaabulayo xarunta Nayroobi ayuu qabaa Cali Calasow.


”Waxa la ugaarsanayaa gabdhaha ganacsatada, aniga ayaa ka badbaaday laba jeer oo ay ii adeegsadeen tagsi inay igu afduubtaan, waxase ila socday nin Caraba oo alaabta ii hagaajiya ayay tiri Raxma.

Waxa usbuucii hore lagu dilay Mombaasa gabadh Somali ah oo la aaminsan yahay in iyada lafteeda uu ahaa mid qorsheysan ayuu raaciyay Cali Calasow.


”Waa arin cusub oo soo baxday baryahan dambe oo ka bilaabmey dilka wiil ganacsi ah oo ilaa hadda aan la sheegin cida ka dambeysa laakiin la aaminsan yahay in sheekadu galayso sirdoonka Kiiniya ayuu yiri Xuseen Warsame.

Waxaad is wydiin kartaa ujeedada laga leeyahay oo ah in ganacsiga lagu ciriiriyo Somalida waayo dad afduubka ku maqan waxa ku jira gabadh ka shaqayn jirtey beerta hooyadeed. ”Waa dagaal qarsoon oo lagula wareegayo ganacsiga Somalida ayuu raaciyay Xuseen Warsame

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.