X

Maxaan ka fahmi karnaa weerarada is-daba jooga ee sii kordhay?

Waxa goor dhaweyd uu qarax ka dhacay magaalada Beledweyne halkaas oo maanta ay ka dhacday doorashada daahday ee golaha shacabka. Waxase ka dambeeyay qarax ay ku dhimatey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo isku diyaarinaysay inay difaacato kursigeeda.


Weerarkan iyo kii Muqdisho ka dhacay casarkii maanta ayaa waxa fartu ku godan tahay inuu argagixisada iyo xubno qarsoon ay ka wada shaqeeyeen sida uu qabo Xuseen Warsame.


ā€¯Qaraxani wuxuu leeyahay saan saan wada shaqayneed oo u dhaxaysa dhiigmiiratada iyo kooxda Xalane oo rabta inay u muujiso caalamka in askarta Amisom welli loo baahan yahay dalkuna doorto shaqsi kale ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Shaki kuma jiro in arintaan ay ka wada shaqeeyeen kooxda uu Rooble Baahane qayb ka yahay. Waxaan ognahay inuu magaalada joogo horjoogaha maamulka Hirshabeele Cali Guudlaawe, waxana la agdhigey ciidan farabadan xilligan.



Ilaa hadda maamulka Hirshabeele war buuxa kama soo saarin sida qaraxan u dhacay iyo cida fududeysay. Rooble baahane ayaa iska dhigey nin ka murugeysan qaraxan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.