X

AMISOM oo ka calaacashay guulihii u dambeeyay ee ciidanka xooga dalka

Ciidanka Xooga dalka Somaliya

Ciidanka Afrikaanka ee ku naaxay Somaliya ayaa ka gubtey guulaha ciidanka xooga dalka ee maalmihii u dambeeyay ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

”KELIGOOD ayay qaadeen weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Galmudug ayuu yiri sarkaal u hadlay AMISOM oo diidey in magaciisa la sheego. Wax xiriira nalama soo samayn taliyaha waxana muuqda inay keligood hawsha fuliyeen dhiigmiirato badana ay dileen ayuu raaciyay.


Ciidanka xooga ee iyagu u guntaday difaaca qaranka kana fogaadey beelaysiga ayaa guulo horleh ka soo hooyay dagaaladaas u dambeeyay ee AMISOM ayna ka qayb gelin. Dabcan hubka waaweyn oo dhan waxa haysta ciidankan Afrikaanka iyo weliba Maraykanka oo iyagu siday doonaan u dhaqma ayuu yiri Cali Calasow.


Calaacalka AMISOM ayaa imaanaya ayadoo dawlada Somaliya diidey in ciidankan loo sii kordhiyo joogitaankooda. ”Waxa jira qorshe ah in ciidankan ay noqdaan ciidan la isticmaalo markii loo baahdo oo hadda kadib hawlaha xasilinta qaranka loo daayo ciidanka xooga dalka ayuu yiri sarkaalkan sii hadlay.


”Ilaa hadda dawlada Somaliya ayaa ku adkaysanaysa in la yareeyo ciidankan gebi ahaantiisba isla markaana sanadka soo socda laga saaro dalka laakiin taas bedelkeed wax iyaguna weerar xoogleh wada kooxda XALANE iyo Afrikaanka oo raba in xukunka dalka loo dhiibo caade qaate sidaana dalka ku sii joogaan Amisom ama in la abuuro dagaal qabiilaysan ayagoo adeegsanaya siyaasiyiin kala jooga Xamar, Kismaayo iyo Garoowe.


”Waxa dhawaan dalku ku dhawaadey inuu qabiilo isku dilo ayuu yiri sarlkaakan AMISOM ee walaaca ka qaba bixitaankooda taas waxay muujinaysaa in siyaasada dalka dhinacay rabaan u dhaqaajin karaan xoogaga dibeda ayuu yiri.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.