X

Waxaan ka baxaynaa Somaliya marka dantii aan ka lahayn aan ka gaadhno: KIINIYA

Wasiirka difaaca ee Kiiniya ayaa sheegay inayna qorshaha ugu jirin inay ka baxaan Koofurta dalka Somaliya. ”Waxaaban u soconaa inaan kordhisano lacagaha nala siiyo oo hadda wixii ka dambeeya hawlaha AMISOM la hoos geeyo qaramasda midoobay ayuu yiri wasiirka difaaca Kiiniya.


Itoobiya

Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay inuu dalbanayo in Itoobiya dagaalada ka socda ay qaramada midoobey soo farogeliso. ”Waxaan ka baqaynaa in Itoobiya noqoto sida Somaliya iyo Koofurta Suudaan ayuu raaciyay.


”Welli dantii aan ka lahayn Somaliya kama aanu gaarin inkastoo aan joogney 10 sanno, waxaanan baxaynaa marka dantii aan ka lahayn ka lahayn sidaas darteed waxaan rabnaa in hawlgalka AMisom ay hadda wixii ka dambeeya hoos tagaan qaramada midoobey oo qarashaadka ay  bixiyaan ayuu taamayaa.


”Waxaan ogaanaynaa bisha Oktoobar oo kulanka anaga iyo qaramada midoobey noo furmayo xilligaas oo ay rajaynayaan in dalka hogaankiisa uu qabto horgale iyaga u adeega. Waxay ku beegan tahay doorashada dalka Somaliya markaa waan sugaynaa.


Dawlada Somaliya ee hadda joogta ayaa rabta in dhamaan ciidanka Afrikaanka dalka ka baxaan horaanta sanadka soo socota waa haddii dib loo doorto madaxweyne Farmaajo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.