X

Kiiniya oo dalbatey in dib loo dhigo ka bixitaankeeda Koofurta dalka

Askariga Kiiniyaatiga ee jooga Koofurta dalka waxa u qoran lacag ahaan kun iyo sideed iyo labaatan ($1028) doolar bishii, waxa Uhuru dib u qaataa 200 oo doolar, waxana u soo harta isku celcelin sideed boqol oo doolar ($800).

”Lacagtaasi waa sadex jibaar lacagta wiilka askariga Somaliga ah uu qaato siiba inta u qoran ciidanka qaranka marka laga yimaado kuwa maamul beeleedyada. Kiiniya ayaa dalbatey in dib loo dhigo ka bixitaanka ciidankeeda ayadoo macaansatey lacagta janada ah ee askarteedu jaqaan.


Waxa wadadan AMISOM mariyay Kiiniya dawlada Maraykanka oo aragtey in Kiiniya wadi karin in iyadu is dabarto keligeed weerarka qaawan ee ay ku qaaday Koofurta dalka.

”Askarta Afrikaanka ee jooga Koofurta dalka ayaa waxa u qorsheysan in dalka laga saaro aakhirka sanadkan ama horaanta sanadka soo socda, waxase jira dadaalo dheeraad ah oo muujinaya in si dib loogu dhigo la helo horgale dib u dhiga horumarinta ciidamada ee hadda socda.


”Waxa jira dadaalo lagu diciifinayo dib u dhiska ciida qaran ayadoo la dhisayo kuwa maamul beeleedyada, taasna wax cidna ka qarsoon maaha laakiin waxa fahmi karta dawlada hadda jirta ayuu qabaa Cali Calasow.

”Sida hadda dib u dhiska ciidanku u socdo ma rabaan Afrikaanka iyo kooxda Xalane, waayo taasi waxay keenaysaa in Somalidu faraha ku dhigaan dalooda, waxayse jecel yihiin inay abuuraan hubeeyaan maamul beeleedyada ayu raaciyay.


Kiiniya waa in si degdega dalka looga saaro iyadna way ogtahay in xilliga u haray ay kooban tahay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.