Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Anaga iyo Afqaanistaan isku mid ma nihin: taliye u hadlay ciidanka xooga

Waxa walaac xoogan laga muujiyay qalab la’aanta haysata ciidanka u tababaran qaranka gaar ahaan kuwooda ka fog qabyaalada ee ay tababareen wadamada Turkiga  iyo Maraykanka kadib is dhiibkii ciidankii Afqaanistaan.

”Halista Somaliya kaga imaan karta Afqaanistaan waa ta haddaba ina haysata oo caruurteenii la yiri is-qarxi janaa galaysaa ayuu yiri taliye u hadlay ciidanka laakiin markay noqoto tayada ciidan ee Afqaanistaan iyo Somaliya isku mid maaha.



”Anaga waxaan toos uga amar qaadanaa taliyaha ciidanka xooga dalka halka ciidankii Afqaanistaan ay markasta gacanta ku hayeen ciidamadii ajaanibta ee tababaray, runtiina waxay ahaayeen ciidan dhamaystiran laakiin aan niyad u hayn inay dagaalamaan ayuu raaciyay sababo badanba ha keenaane.

Anaga waxaan joognaa gobolada badankooda iyo xataa dhul ayna joogin ciidanka Amisom sida gobolada dhexe. Dhulka aan Amisom wada joognana waa anaga kuwa weerarka qaadaya ee amarka ka qaadanaya taliyaha ciidanka.



Shaki kuma jiro in dhiigmiiratada loo baneeyay Afqaanistaan ay wehel u noqonayso dhamaan argagixisada caalamka Muslimka ee xalaashaday dhiiga muslimiinta kuna qaraabta Ashahaadadii dinteena.

Ciidanka Somaliya loo tababaray ayaa tayo waxase in la tayeeyo u baahan kuwa maamul uufeedyada loo qorey iyo weliba kuwii dhawaan ciida ka qotey magaalada Muqdisho oo aan matali karin qaranka.



”Qalabaynta ciidanka waxa ku filan Turkiga laakiin horta ma laguu ogolyahay in lagu siiyo hub aad qaranka ku difaacdo. Waa su’aal qaranka u taal ayuu qabaa Cali Calasow.

”Waxa tusaale inoo ah weerar argagixisadu soo qaaday laba bilood kahor oo 70 ay meyd haan uga tageen. Yaa kuwaa dilay waxa diley ciidanka Somalida ayuu yiri taliyaha xataa ayagoo haysta hub la mida kan argagixisada ayuu raaciyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...