Ardayda ka qalinjabisa jaamacadaha Ingiriiska ayaa dhamaantood ka shaqaysa shaqooyin aan ahayn kuwii ay soo barteen waxana sidaas sheegay daraasad lagu sameeyay hababka shaqo ee ay tagaan xilliga ay ka qalinjabiyaan jaamacadaha. Ardayda qalin jabisa Ingiriiska ayaa waxa dulsaaran dayn ah ilaa 45,000 kun oo doolar hadayna ka badnaynba kuwaas oo bilaaba bixinta dayntaas marka ay helaan shaqo lacagtooduna gaarto heer.
Lacagahaas daynta ah ayaa qaata in sanado badan ay bixiyaan..taas oo keenta in dunida xilligii aad u shaqo tagtey ay ku fuushan tahay dayn intaas leeg.
Daraasad la sameeyay ayaa lagu sheegay in shaqooyinka xirfadaha leh ay aad u yaryihiin ama ayna jirin abuurkooda ytaas oo keenta in ardayda qalin jabisa ay qabtaan shaqooyin aan u baahneyn wax aqoona si ay u helaan dhaqaale ay ku noolaadaan.
Shaqooyinka ay ardaydaasi qabtaan ayaa waxa ka mida amniga (Security) ama waardiye, dukaamada waaweyn oo ay ka shaqeeyaan, dhismaha guryaha, dalxiiska, iyo shaqada xafiisyada oo intooda badan u baahneyn shahaado.
Daraasadan ayaa filaysa in ay sii socota tirada ardayda Ingiriiska ee ka shaqaysa shaqooyinka an xirfada u baagneyn waxayna u baaqeen in la kordhiyo shaqooyinka xirfada leh iyo ardayda oo la geeyo shaqooyin la xiriira waxay soo barteen.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM