X

Argagixis isa soo dhiibey oo la soo bandhigey: SAWIRO

Dhiigmiirad ka tirsan kooxda gaalaysa Muslimiinta ee shabaab ayaa isa soo dhiibey. Dhiigmiiradkan isa soo dhiibey ayaa intaanu isa soo dhiibin la soo hadlay maamyulka degmada Qansax dheere halkaas oo loo sheegay in lagu soo dhaweyn doono.


Argagixiskan hore loo qalday loona sheegay in janno lagu galo dilka Muslimiinta ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan oo watay qoriga Ak-47. Lama sheegin inta Muslimiina ee gacantiisa ku baxday.

Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay goobta ninkan isa soo dhiibey ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan qof kasta oo ummadiisa u soo laabta kana daaya gaalaynta, waxayna ugu baaqeen inta ku hartey inay diinta u soo laabtaan.


Maaha dhiigmiiradkii ugu horeeyay ee isa soo dhiiba inkastoo qaarkood isku soo dhiibaan si ay dilal hoose u fuliyaan., waase laga warqabaa inta badan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.