X

Kiiniya oo loo sheegay inay Somaliya ka barato maxkamadeynta musuqa

Xildhibaan hore oo ka tirsanaa dawlada Kiiniya laguna magacaabo Joon Mututho ayaa madaxweynaha Kiiniya u sheegay inuu sida Somaliya u maxkamadeeya dadka ku kacay musuqa ee fadgiya dawlada.


Waxa uu tusaale u soo qaatay sida maxkamada gobolka Banaadir xukuno ugu riday agaasimayaal  musuq maasuqay ku sameeyay lacago iyo agab caafimaad. ”Waxaan is weydiinayaa maxaa sida Somaliya looga wax looga baran waayay ayuu yiri Joon.

Waxaan ku baaqayaa in la maxkamdeyo dadka musuqaya agabyada caafimaadka iyo dhaqaalaha kale ee lagula tacaalayo cudurka Koroona.


”Ceeb maaha haddii aanad aqoon sida loo baaro tuugada noocana ay Somaliya weydiisato inay ka caawiso ayuu yiri Joon.  Waxay Somaliya na bartey sida loo xiro oo loo maxkamadeeyo dadka dhacaya agabka caafimaadka iyo kuwa kale.

”La hadal madaxweynaha Somaliya Farmajo oo weydiiso kaalmo la xiriira arintan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.