Waxa sanadkan bartankiisa ciidanka amnigu qabteen nin watay boorso ay ka buuxaan qaraxyo oo rabay inuu qarxiyo tiyaatarka qaranka. Argagixiskaan ayaa lagu magacaabaa Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa lagu qabtey Afgooye.
”Waxa tiyaatarka la soo tusay maalin kahor waxana loogu sheegay meel ay ka buuxaan ciidan dhar cada sida uu ka sheegay maxkamada horteeda.
Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay dhiigmiiratada shabaab, waxa uuna dhiigmiiratada kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Gobolka Bakool 2018.
Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagta degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi daa’in.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS