Argagixisada ayaa faraha kaga gubatay kadib markii gurmadkii oo dhan laga dilay kuna sigteen in ay gaajo ugu dhinteen.
Caynal-Carab ama Kobane ayaa ku taala xadka u dhexeeya Turkiga iyo Siiriya mase helin taageero hubeed oo xoogan oo aan ka ahayn diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo u diiday in ay dhaqaajiyaan hal gaadhi.
Wadooyinka Caynal-Carab ayaa lagu arkayay calanka Siiriya iyo kan Kurdiyiinta oo ka babanaya hareeraha magaalada xooga u burbursan iyadoo dhamaanba la waayay calankii madoobaa ee argagixisada.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS