X

Argagixisada ku hadhey gobolka Idlib oo hal wado u furan tahay: Suuriya

Argagixisada ku hadhey gobolka Idlib waxa u furan kaliya hal wado oo ah in loo dhoofiyo kuwii taageeri jirey ee Yuhuuda, Sucuudiga ama Turkiga.

Dawlada Siiriya ayaa ku dhow inay dalkeda ka sifeyso argagixisada Akhwaan Muslimiin ee Turkigu taageero iyo kooxda Nusra oo Yuhuuda, Maraykanka iyo Sucuudigu taageero.

Gobolka Idlib oo xad laleh Turkiga ayaa waxa la geeyay argagixisadii laga soo saaray gobolada kale ee dalka. Waxa hadda u furan kaliya inay doortaan in khaarajiyo ama magangalyo ka helaan Turkiga iyo Sucuudiga iyo Yuhuuda.


Idlib ayaa waxa lagu farsameeyay diyaaradaha iswada oo Yuhuuda iyo Maraykanku ku weerareen saldhiga milatariga ee Ruushku ku leeyahay galbeedka dalkaasi Siiriya.

Mar haddii markii hore fursad loo siiyay in Idlib la geeyo hadda fursad kale oo melkale loogu qaado way dhamaatey aan ka ahayn inay hubka dhigaan ama cagta hoosteeda la geliyo ayuu yiru jeneraalka hogaaminaya cidanka Siiriya.


Argagixisada oo isbahaysatey ayaa ciidanka Siiriya oo diciifsan kala wareegay Idlib sanadii 2015. Hubka ugu badan ee ay ku dagaal galeen waxa soo iibiya Sucuudiga waxana la soo marsiiyay Turkiga iyo Yuhuuda.

Shalay ayay ahayd markii madaxda Ruushka, Iiraan iyo Turkigu isla garteen in kooxda gaalaynta Muslimiinta laga sifeeyo Siiriya.

Erdogaan oo taageera akhwaan Muslimiin iskuna dayay inuu isku furto Siiriya ilaa Xamaas ayaa guuldaro ka raacdey Siiriya wuxuuna ku khasbanaadey inuu ogolaado in Idlib oo ay joogaan ururkiisa Akhwaan Muisimiin laga saaro halkaas.


Maadaama Maraykanku cunaqabatayn saaray xulafada dhabta ah ee uu hada haystaa awalna lahaa waa Ruushka.

Dagaalka Siiriya ayaa ahaa mid lagu burburiyay dalka ilaa markii dambe uu dalka badbaadiyay Ruushku taas oo hadda keentay in boqolkiiba 95 uu dalku ku jiro gacanta dawlada dhexe.

Waxa kaliya oo gacanta dawlada ka maqan dhowr meelood oo Kurdiyiintu haystaan sida bariga dalka halkaas oo Maraykanku hubeeyo, Erdiogaan ayaa diidey hubeynta Kurdiyiinta.


Isku soo duuboo waxa muuqata in Ruushku ku guulaystey in Siiriya markale cagaheeda isku taagto ayna noqona sida Somaliya, Afganistaan iyo Ciraaq.

Gulufka lagu xoreynayo Idlib ayaa bilaambey

Rashiid Ceelaayo.

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.