X

Barlamaanka gobolka Somalida Itoobiya oo ansixiyay laba arimood

Barlamaanka gobolka Somalida Itoobiya ayaa ansixiyay laba arimood oo hore loo soo jeediyay maantana la horkeenay golaha. Labadan arimood ayaa ahaa in la bedelo astaanta calanka laguna celiyo sidii hore ee uu ahaa.


Waxa kale oo iyana loo codeeyay in magaca gobolka laga dhigo ”Gobolka dawlada Somalida” halka Cabdi Iley ay ka dhigeen dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Isbedelada raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed ayaa soo celiyay xoriyad dadku markii horeba xaq u lahaayeen.


Isbedelka lagu sameeyay labadan meelood ayaa gobolka dawlada Somalida ka dhigaya mid leh aqoonsi.

Waxase welli jirta cadaalad xumo iyo isku dheelitir la’aan ka jirta barlamaanka iyo goobaha shaqada oo hal beel badsatey, taas oo wax u dhintey isku tiirsanaan laga filaayay dadka gobolka wada degan.

Hogaanka ku meelgaarka ah ee gobolka dawlada Somalida Mustafe Muxumed oo loo hanweynaa ayaa durba ku fashilmey dhinaca cadaalada.

Waxa isla kulanka lagu doortey afhayenka barlamaanka inuu noqdo  Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas) halka Cabdullaahi Siciid Cumar isna noqdey gudoomiyaha maxkamada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.