X

Argagixisada oo 6 qof oo haweenay ku jirto ku xasuuqay deegaan hoostega

Degmada Saakow ee Jubada dhexe ahna deegaanada loo daayay argagixisada ayaa dhiigmiiratadu saaka ku xasuuqday 6 qof oo ay ku jirto haweenay dhalinyaro ah. Waxay ku eedeeyeen sidii cadiga ah inay basaasiin ahaayeen.


Dhalinyarada ayaa la sheegay inay si qurux badan u labisnaayeen taasna ay ka xanaaqeen dhiigmiiratada. Waxay ku xasuuqeen goob fagaare ah si dadka kale loo qalqal geliyo.


Maaha markii ugu horeysay ee dhiigmiiratadu ay sidan u xasuuqdo shacabka ku hoos nool oo hadh iyo habeen naxdini la soo daristey.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.