X

Itoobiya oo jeelasha Sacuudiga ka soo celisay in ka badan 3000 oo tahriibe

Itoobiya ayaa sheegtay inay dalkeeda ku soo celisay tahriibayaal ku dhimanaayay jeelasha Sacuudiga oo gaaraya ilaa sadex kun oo dhalinyar u badan oo dalkaasi ku galay si tahriiba.

Dhalinyaradan oo u badan Oromo ayaa lagu bahdilaa jidka u dhexeeya Yaman iyo Sacuudiga ayagoo la kulma kufsi iyo adoonsiyo kale oo ay kula kacaan Yamantu. Waxa jira haween la raadinayo ilaa hadda.


Wasaarada arimaha dibeda ayaa sheegtay in tahriibeyaashan ay ku ureen jeelasha Sacuudiga oo ay rabaan inay dalka dib ugu soo celiyaan inta ku hartey, kuwa hadda ku sii socdana ka joojiyaan.

Yamanta iyo Sacuudiga ayaa si xun loola dhaqmaa dadka ka yimaada geeska Afrika ee mooday in shaqo buuxdo halka kuwooda la ixtiraamo oo faraxumeyn, xataa si xad dhaafa u guursada gabdhaha geeska.


Dadkaan jeelasha laga so daayay ayaa soo dhaweyn logu sameeyay garoonka caalamiga ee Addis ababa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.